Madaxweyne Qoorqoor “Heeshiiskaan Waxaa Uu Naga Baajiyay Qalalaase Iyo Fowdo”

13

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlayay Munaasabadda xiritaanka Shirkii Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Muqdisho uu yahay mid ku yimid isu tanaasul iyo juhdi ay sameeyeen Madaxda ku shirtay Afisyooni, waxaana uu u maahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay shirka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa sidoo kale uu tilmaamay in dadaal dheraad ah ay sameeyeen si dhinacyadu ugu qancaan heshiiska.

Waxaa uu baaq u diray dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka cod saday mas’uuliyiinta in aysan soo noqon khiaalfaad dambe oo caqabad ku noqda doorashada, waxaana uu sheegay in loo baaahn yahay sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhinacyada siyaasadda ay ku qanacsan yihiin.

Shirka wadatashiga Qaran oo maalmihii danbe ka socday magaalada Muqdishu ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay kadib xaflad si weyn loo maamuusay oo lagu soo xiray shirka.
Ugu danbeyntiina  waxaa la gaaray heshiis iyo afgarad buuxa oo ay saxiixeen  Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo dhamaan Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.