Kulamo Looga Hadlayo Qoondada Haweenka Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

12

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo Haweenka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Haweenka uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya, waxaana uu u balan qaaday inuu ka shaqeyn doono qoonddada haweenka.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Ururada Haweenka u sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay xaqa ay leeyahiin uga heli lahayeen heerarka kala duwan doorashada.

Dhinaca Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa isna kulan looga hadlaayay ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Doorashooyinka iyo sidii loo tixgalin lahaa cabashadooda la qaatay Wasiirka Haweenka iyo Haweenka xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka.

kulamadan ayaa ka mid ah barnaamijka u ololeynta qoondada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ururada bulshada Rayidka.