Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalada Sanca ee Caasimadda Yemen.

11

Nin hubaysan oo ka tirsan kooxda Xutiyiinta Yemen ayaa dilay Muwaadin Soomaali ah oo kusii jeeday xarunta Shaqadiisi oo kutaala Caasimadda Sanca.

Ilo ku dhow Muwaadinka la dilay oo lagu magacabi jiray Ibrahim iyo goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka kusio jeeday Kuliyada Jaziira oo ka shaqeen jiray waxaana rasas toos ah kala kulmay nin ka tirsan xuutiyinta Yemen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in 4 rasas ay ku dhacdau muwaadinka Soomaaliyeed ka horna ay sheeko yar ay dhex martay balse faah faahin ay kabixin karin.

Ehelada muwaadinkaan ayaa la tilmaamay inay saraakiisha Sanca ay cadaalada horkeenan cida falkaasi gaysatay.