Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka Midowga Yurub?

3

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Galmudu, Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Galmudug asagoona dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug.