Axmed Madoobe iyo Qoorqoor oo ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka

3

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa maanta kulan gaar ah ku wada qaatay magaalada Muqdisho, xilli uu weli socdo shirka wadatashiga ee arrimaha doorashooyinka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaa arrimaha doorashooyin ee weli muranka ka taagan yahay.

Axmed Madoobe iyo Axmed Qoorqoor ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb-galaya shirka wadatashiga ee arrimaha doorashooyinka.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb gallaya madaxweyneyaasha shanta dowlad-gobolleed iyo gobolka Banaadir, iyada oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo ku dhow shirka ayaa sheegaya in isfaham laga gaaray qodobadda qaar ee salka u ahaa muranka doorashada. Madaxda ayaana la filayaa in ay si wadajir ah u saxiixdaan heshiiska ay gaareen.