Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Fulisay Xukuno.

6

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun Xabsi Daa’in ah ku riday Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & Maxamed Xuseen Xasan Abuukar kuwaas oo ka tirsana dagaalamayaasha Al-shabaab.

Labadan Eedeysane ee ay maxkamadda ciidamada qalabka sida xukunka ku riday ayaa ku dhaawacmay weerar ay dagaalyahanada Alshabaab ku Qaadeen BacaadWeyn Horraantii Sanadkan 2021ka.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo inta badan fulisa xukuno kala duwan ayaa sheegtay in xukunsanayaasha ay haystaan Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo dhan 30 cisho gudahood.