Taliye Xijaar iyo AMISOM oo ka wadahalay sugida amniga doorashooyinka

3

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyaan  saraakiisha sarsare ee howlgalka Amisom.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida amniga doorashooyinka loo sugi lahaa.

Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in ay door fiican ka qaadan doonaan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda shir u dhexeeya madaxda Soomaalida, kuwaasi oo ka wadahadlaya sidii dalka uu u aadi lahaa doorashooyinka.