Dowladda Oo Sheegtay Inay Diyaarisay Qorshaha Sugida Amniga Doorashada

2

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Federaalka diyaarisay qorshaha lagu sugayo amniga doorashada dalka ka dhaceysa oo weli aan heshiis laga gaarin.

Wasiir Xundubey oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in hay’addaha amniga iyo Talisyada Ciidamada u diyaar garoobeen sugida amniga doorashada, isla markaana xusay in uusan welwel badan ka jirin arrinta amniga.

Waxaa uu sheegay Wasiirka inay haatan sugayaan oo kaliya in Shirka Madaxda uga furmay Muqdisho heshiis lagu gaaro la iskuna raaco fulinta qorshaha amniga, wuxuuna Carabka ku dhuftay in la diyaariyay Ciidankii sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xasan Xundubey ayaa rajo wanaagsan ka muuujiyay natiijada kasoo bixi karta Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo uu sheegay in suugal ay tahay in lasoo gaba-gabeeyo maalinta berri oo Isniin ah.

Shirka Wadatashiga Qaran oo shalay furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.