Axmed Madoobe Iyo Deni Oo Siyaasiyiinta G/Waqooyi Kala Hadlay Xalinta Khilaafka Taagan

3

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa xalay kulan gaar la qaatay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka oo saacado qaatay looga hadlaayay xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii labada dhinac ugu heshiin lahaayeen Guddiga maamulaya doorashada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa tilmaamay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni uu uga mahadceliyay dadaalada ay ugu jiraan xal ka gaarista Arrinta kuraasta Somaliland.

Is fahamkii Magaalada Baydhabo ka dhacay 16-Febraayo ee sanadkaan 2021 ayaa la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Qodobada uu khilaafka doorashada ka taagan yahay ayaa waxaa kamid ah Arrinta Gobolada Waqooyi (Somaliland), waxaana Cabdi Xaashi uu dhowr jeer dalbaday in lagu wareejiyo maamulka Doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi, iyadoona Arrintaas ay kasoo horjeesatay dowladda, uuna ka dhashay khilaaf xoogan oo weli taagan.