Maamulka G.Banaadir oo ka hadlay geerida Guddoomiyihii Garasbaaley

12

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeey geerida guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley Cabdiraxmaan Axmed Cali oo lagu dilay qarax lala beegsaday xilli uu ka soo baxay masjid uu tukuday sallaadii jimcaha, kaasi oo ku yaalla deegaanka.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday laba ka tirsan illaalada guddoomiyaha.

Hoos ka akhriso

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka Tacsiyeenayaa geerida ku timid Allaha u Naxriisto Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley ee Gobolka Banaadir Marxuum Abdirahman Ahmed Ali Garyare.

Guddoomiye Garyare iyo labo ka mid ah ilaaladiisa ayaa lala eegtay Qarax Miino xilli ay kasoo baxeen Salaada Jimcaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Tacsi u dirayaan Dhamaan Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Bulshada Deegaanka Garasbaaley ee uu ka baxay Marxuumka.

AUN Abdirahman Ahmed Ali Garyare, Waxa uu ahaa Mas’uul dadaal badan kusoo bixiyay sidii uu ugu shaqeyn lahaa Bulshada Gobolka Banaadir gaar ahaan shacabka Deegaanka Garasbaaley, Waxaana Eebe ugu baryeynaa in janadda Fardowso Allaha ka waraabiyo dhamaanteenna Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN