Kulamo horudhac u ah shirka doorashada oo ka socda Muqdisho

10

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ka qeyb galleysa shirka doorashada ee maalinta berri la filayo in uu furmo hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu garwadeen ka ah shirka arrimaha doorashooyinka ayaa kulan horudhac ah xalay la qaatay qaar kamid ah madaxda dowlad gobolleedyada iyo guddoomiya gobolka Banaadir.

Sidoo kale madaxda dowlad gobolleedyada ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo kala hadlaya shirka loo ballansanyahay berri.

Dhinaca kale, madaxweyneyaasha Puntland iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb gallaan shirka doorashada.

Shirka berri ayaa la filayaa in looga hadlo khilaafka doorashada ee weli taagan. Shacabka Soomaaliyeed ayaana isha ku haya qodobada laga soo saari doona kullankaasi.