Deni iyo Cali Guudlaawe oo Muqdisho u imaanaya ka qeyb galka shirka doorashooyinka

12

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkan oo lagu waday inuu shalay furmo ayaa la sheegayaa inuu Sabtida u dhacay, arrimo farsamo awgeed iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee ka qeyb galaya oo aan weli soo wada dhameystirmin, lana filayo kuwa dhiman in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Shalay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray madaxweyneyaasha maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasi oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimoow ayaa sheegay in kulanka oo uu ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu hordhac ah u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorahsooyinka dalka oo guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble