Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho.

9

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaamka, ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ka qeybgali doonaa shirka wada tashiga qaran kaas oo uu  iclaamiyay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka furmaya Muqdisho.

Hore waxaa Muqdisho u soo gaaray madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo uu ka sii horeeyay madaxweynaha Galmudug, waxaana la filayaa in ay yimaadaan Muqdisho labada madaxweyne ee kala ah Hirshabeele iyo Puntland.

Madaxdan ayaana ka qeyb galaya shirka wada tashiga qaran ee uu dhawaan uu  iclaamiyay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyadoona ilaa hada uusan furmin shirka inkastoo uu ku yimid dib u dhac kaas oo markii hore qorshaha ahaa inuu saaka ka furmo xerada xalane.