Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Puntland Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

11

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdi samad Cali Shire ayaa maanta oo khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, ayaa shalayto la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).
Wuxuuna sidoo kale ahaa Janaraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.