Qarax ka dhacay magaalada Jowhar

21

Kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Mayre Makaraan, ayaa qarax lagu beegsaday dulleedka bari ee magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay halleeshay gaari Cabdi-bille ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada guddoomiya Shabeellada Dhexe.

Ugu yaraan Labo askari ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Kolonyada ayaa ku sii jeeday deegaanka Qoordheere oo ka tirsan degmada Raagge Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale dagaal maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa joogsaday kadib markii ay isaga baxeen magaalada maleeshiyaadka Macawisleyda ee gudaha u soo galay magaalada saaka.