Faah-faahin dagaal ka dhacay Jowhar iyo sargaal ku geeriyooday

13

Dagaal ayaa saaka magaalada Jowhar ku dhexmaray ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo malleeshiyada Macwiisley, iyadoona uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada Macawiisley ay weerar ku qaadeen bar kontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuwa Booliska oo ku taal Xaafada Hanti wadaah gaar ahaan laabta Baddacas,  iyaga oo ka careysan xarig loo geystay todobaadkii hore taliyahooda oo lagu Magacaabo Yuusuf Macalin.

Dadkii ku geeriyooday dagaalka waxaa kamid ahaa Cali Axmed Goodaad “Cali Madoobe” oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta madaxtooyada Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada Hirshabelle.

Dhinaca ciidamada Macawiisley ayaa iyana waxaa soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan la heyn tirada rasmiga ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ku aadan dagaalkan maanta ka dhacay magaalada Jowhar.