Wararkii u dambeeyay ee duqeymaha Israel ee Qasa

1

Diyaaradaha dagaalka Yahuuda ayaa maanta mar kale duqeyn xoog leh ka gaystay marinka Qasa ee dhulka Falastiin.

Milityga Israel waxaa uu sheegay inay maanta bartilmaameysteen xarumo dhulka hoostiisa ah oo ay Xamaasiyiintu keyd hub u ahaa.

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay inay maanta duqeeyeen guryo ay Qasa ku leeyihiin hogaamiyaal ka tirsan ururka Xamaas.

Warbaahinta caalamka ayaa sheegay in duqeynta maanta dhacday ay diyaaradaha Yahuuda ay kuĀ  burburiyeen dhismooyin ay dad rayid ah deganaayeen.

Dhanka kale ururka Xamaas ayaa iyana gantaalo ku garaacay magaalooyin ka mid ah dhulka ay xooga Yahuudu ku haysato oo ay ka mid tahay magaalada ugu weyn ee Talaafif.

Wadamada caalamka qaarkood ayaa soo jeedinaya baaq caalami ah oo xabada lagu joojinayo xalna lagu raadinayo.