Qoor Qoor oo Gaalkacyo ka wada dadaalo lagu xalinayo xiisad ka dhalatay dil loo geystay Sheekh caan ahaa

22

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay wada-hadallo lagu xalinayo shaqaaqo ka dhalatay dil loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Calidheere) oo dhawaan lagu dilay Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, isaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa shaqaaqada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere oo ay ka dhasheen dibadbaxyo, isagoo u sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashanayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Sheekha.

Khamiistii todobadkii hore magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dilkii degaan hoos taga Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Dheere, waxayna dadka banaanbaxayey dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dilay Sheekh Cali.

Dadaallada uu madaxweyne Qoor Qoor ka wado Gaalkacyo waxaa ku wehliya taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cismaan Cabdullahi Maxamed Kaniif, waxayna kulamo la yeelanayaan saraakiisha ciidamada, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.