Soomaaliya iyo wadamada caalamka oo maanta looga dabaal degayo ciidul fidriga

14

Maanta oo khamiis ah waxay ku beegan tahay maalinta Koowaad ee ciidul fidriga iyadoo guud ahaan caalamka looga dabaaldegayo maalintaan.

Muslimiinta ayaa soomanaa muddo 30 maalin ah, waxaana maanta ay tahay maalin farxadeed oo loo dabaaldegayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah maanta u ciidaya, waxaana magaalooyinka waaweyn ee dalka laga dareemayaa farxadda ciidda.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka waxaa laga dareemayaa mashquul aad u fara badan, islamarkaana ka duwan maalmaha kale, waxaana la arkayaa dadka oo isku hambalyeeynaya.