DFS Oo Si Kulul Uga Hadashay Weerarkii Israa’iil Ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa

6

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Balaal Maxamed Cusman, ayaa ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn, kaasi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga.

Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Balaal Cusman oo matalayey dowladda ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxaa uu si kulul u Cambaareeyay weerarkii Isra’iil ku qaaday Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Waxaa uu bulshada caalamka ugu baaqay inay qaataan mas’uuliyadahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Isra’iil ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, wuxuuna falka Isra’iil ku weerartay Masjidka Al-Aqsa ku tilmaamay mid fool xun.

“Ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah” ayuu yiri Balaal Cusman.

Sidoo waxaa uu Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda hadalkiisa sii raaciyey “Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay”

Ciidamada Isra’iil ayaa weeraro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay ku qaaday dadka Falastiiniyiinta oo ku cibaadeysanayay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxaana sidoo kale Qaza ka dhacay duqeymo diyaaradeed oo dad lagu dilay.