Ciidamada AMISOM oo waqtiga loo kordhiyay

3

Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkooda Soomaaliya ee Amisom ay heli doonaan waqti kordhin loo sameeyo marka lagaaro 31-ka bisha Diseembar ee sanadkan, taasoo soo afjari doonta hubanti la’aanta dhinaca amniga ah ee Somalia ka jirta iyadoo rajo laga qabo in Doorashooyinka guud si nabad ah ku dhacaan.

Go’aanka ayaa la gaaray Talaadadii intii lagu guda jiray shirkii 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa. War murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa lagu sheegay in la isku raacay heshiis guud oo lagu kordhinayo waqtiga howlgalka marka sanadkaan uu dhamaado.

Go’aanka ayaa hadda loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo isagu leh go’aanka kama dambeysta ee waqti kordhinta howlgalka AMISOM waxaana ay cod u qaadi doonaan dabayaaqada Bishaan May.

Amisom, oo ku sugneyd Soomaaliya tan iyo 2007, waxaa aas aasey midowga afrika si ay gacan u siiyaan dowlada federaalka KMG ee curdunka ahayd ee Somalia, Tan iyo xilligaas, waajibaadkeeda ayaa la kordhinaayay ku dhowaad sannad kasta, sababo la xiriira dhibaatooyinka amni ee ka imanaya kooxda xagjirka ah al-Shabaab.

Sannadkan, qorshaha Midowga Afrika iyo UN-ka wuxuu ahaa in ciidamada Amisom ay bilaabaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Somalia, marka la gaaro Diseembar 2021-na ay dalka si guud ay u baneeyaan saldhigyadoodi, marka laga reebo shaqaale farsamo