Maxay maanta ka wadahadleen wasiirka haweenka DF iyo safiirka Shiinaha?

2

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan la yeelatay safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan isku xirka haweenka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Isaaq Xaashi Jimcaale iyo qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada wasaaradda haweenka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka ka dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo iskaashi labada dowladood.