Golaha Iskaashiga Khaliijka Oo Ka Hadlay Dib U Soo Celinta Xiriirka Somalia Iyo Kenya

14

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Khaliijka ee GCC, Dr. Nayif Falax Mubaarak Al-Hajraf ayaa waxa uu soo dhaweeyey dadaalkii iyo Dhexdhexaadintii ay Dowladda Qatar ku bixisay soo-celinta Xiriirada Diplomaasi ee u dhexeeyey Somalia iyo Kenya.

Waxa uu tilmaamay inay Tallaaabadaasi isku soo dhaweyn doonto aragtiyaha iyo  sare-u-qaadida Xiriirka Somalia iyo Kenya iyo Xoojinta Ammaanka Caalamiga, Deganaanshaha iyo Nabadda.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carbeed ee GCC, Dr. Nayif Falax Mubaarak Al-Hajraf oo u dhashay dalka Kuweyt ayaa waxa uu soo dhaweeyey shaacinta Dowladaha Somalia iyo Kenya ee soo-celinta dhamaan Xiriirada.

Dr. Nayif Falax Mubaarak ayaa waxaa Tallaabaddaas ku tilmaamay mid muhiimad leh oo Wanaaga iyo Barwaaqada u horseedi karta dadka ku nool labadooda dal, laguna gaari karo Ammaanka iyo Deganaanshaha dhexdood.

Golaha Iskaasiga Gacanka Khaliijka ee (The Gulf Cooperation Council “GCC”) oo ay Xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda Sacuudiga ee Riyadh waxaa la asaasay bishii November 11-dii  ee sanadkii 1981-kii, waxaana Golahaasi ku bahoobay Lixda Waddan ee kala ah: Sacuudiga, Qatar, Kuwayt, Imaaraadka, Baxrayn iyo Cummaan.