Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garowe kula kulmay madaxa hey’adda IOM ee Soomaaliya

18

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya, Richard Danziger.

War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen, dardar gelinta mashaariicda hormarineed ee hay’adda socdaalka Adduunka IOM ka wado gudaha deegaanada Puntland.

Madaxweyne Karaash iyo Richard Danziger, ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ka hortagga arrimaha tahriibta iyo caawinaadda qaxootiga ka soo tallaaba xuduudaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu hay’adda IOM uga mahadcelinayo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato kobcinta iyo tayaynta Hay’adaha dowliga ah.