Madaxweynaha Galmudug Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Dhuusamareeb

8

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano, Wasiiro, Mas’uuliyiin iyo dadweyne farabadan.

Axmed Qoorqoor ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ka qeyb galay shirar looga hadlaayay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka doorashada dhaceysa iyo heshiiskii laga gaaray khalalaasihii ka dhacay Caasimadda dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, isagoona kala hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo sida lagu xalin karo caqabadaha ku hor gudban doorashada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay Midowga Musharaxiinta oo ay hoggaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud