QM Oo Ka Hadashay Ergeyga Cusub Ee Midowga Afrika Ee Soomaaliya

9

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Madaxweynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama. oo loo dhiibay xilka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraalkaan oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Xoghayaha Guud Stéphane Dujarric, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu muujiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ay u heyso howlaha baaxadda leh ee ay hayaan Midowga Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  wuxuu ugu baaqay dhammaan jilayaasha inay la shaqeeyaan Wakiilka Sare ee Midowga Afrika oo ay dib u bilaabaan wadahadallada ku saabsanaa hirgelinta Heshiiskii Doorashooyinka 17-kii Sebtember.

Ergayga Khaaska ee AU-da ayaa waxa uu Saamileyda Siyaasadda Somalia kala shaqeyn doonaa sidii ay u gaari lahaayeen Heshiis xeer jajab ah oo ay wada oggol yihiin, si Doorashooyin wada-oggol ah loogu qaban lahaa sida ugu dhaqsaha badan.

Sidoo kale Ergayga cusub ayaa waxa uu Ciidamada AMISOM ka taageeri doonaa Waajibaadka shaqo iyo ilaalinta Cod-bixinta Doorashooyinka Somalia. John Dramani Mahama oo 62 jir ah ayaa waxaa uu horey u ahaa Madaxweynihii dalka Ghana muddadii u dhexeysay bishii July 24-dii ee sanadkii 2012-kii ilaa bishii January 7-dii ee sanadkii 2017-kii.