Maxaa Ka Jira In Farmaajo Iyo Uhuru Kenyatta Ay Ku Kulmayaan Qatar?

13

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, hayeeshee waxaa warkaas ka hadashay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku beeniyay wararkii la faafiyay ee sheegayay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku kulmayaan Magaalada Dooxa.

Cismaan Dubbe ayaa sheegay in kiiskii Dacwada badda uu gacanta ugu jiro Maxkamadda Cadaalada Adduunka ee ICJ, isla markaana laga sugayo Go’aan Cadaalad ah, isagoona u mahadceliyay cid kasta oo ka shaqeneyso dib u soo celinta xiriirka labada dal.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar. Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.  Soomaaliya Hanoolaato” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa horey  sheegay in Maxkamadda Cadaalada ICJ ay dhameystiri doonto kiiska Dacwada badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowladda Kenya, kadib markii labada dal heshiis gaareen, kaasi oo ay ka shaqeysay dowladda Qatar.