Midowga Musharaxiinta Oo War Kasoo Saaray Ergeyga Cusub Ee Midowga Afrika

59

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u soo magacaabay Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, kaasi oo ah Madaxweynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Ergeyga Midowga Afrika u soo magacaabay doorashada  Soomaaliya oo ka shaqeyn doona sidii xal buuxa looga gaari khilaafka doorashada.

Midowga ayaa balan qaaday inay la shaqeyn doonaan John Dramani Mahama oo ah Ergeyga cusub, hayeeshee ay kasoo horjeedan in la taliyaha gaarka ah ee laga dhigo Babatunde Taiwo oo hadda ah Madaxa siyaasadda howgalka AU-da ee Soomaaliya.

“Iyada oo la xeerinayo ciladii hore ee Taiwo, golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si aad uga walaacsan yahay sida uu dhex dhexaad ku noqon karo una fulin karo dalabyaddeena,” ayaa lagu yiri Qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyn Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen inay Midowga Afrika ay ka rajeynayan inuu aqbali doono soo jeedintooda, isla markaana waxaa ay tilmaameen in aysan marnaba la shaqeyn karin Babatunde Taiwo.

Ergayga Khaaska ee AU-da ayaa waxa uu Saamileyda Siyaasadda Somalia kala shaqeyn doonaa sidii ay u gaari lahaayeen Heshiis xeer jajab ah oo ay wada oggol yihiin, si Doorashooyin wada-oggol ah loogu qaban lahaa sida ugu dhaqsaha badan.