Maxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri dib u soo noqoshada xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya?

1

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa soo dhaweeyay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay inay tahay lagama maarmaan wanaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar” ayuu Ra’iisul Wasaarihii hore ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa intaas ku sii daray, “Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka.”

Soomaaliya iyo Kenya ayaa safaaradaha kala qaatay 15-kii bishii December ee sanadkii hore, kadib markii Soomaaliya todoba cisho ku amartay diblomaasiyiintii Kenya inay dalka uga baxaan, sidoo kalena u yeeratay diblomaasiyiintii Soomaaliyeed eek u sugnaa Nairobi.