Axmed Karaash oo shir isugu yeeray saraakiisha hey’adaha ammaanka Puntland

2

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, ahna ku simaha madaxweynaha Puntland Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa shir-guddoomiyay kulan ku saabsan amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha ciida.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha ciida.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda, taliyeyaasha ciidamada daraawiishta iyo booliska, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garowe iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.