Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Oo Booqanaya Sacuudiga Iyo Ujeedkiisa

11

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Axmed Khan ayaa Maanta oo Jimco ah u bilaaban doonta Booqasho 3 maalmood oo uu ku tegi doono Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, kadib, markii uu casuumaad ka helay Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salman (MBS).

Wafdiga Imraan Khan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda, Shah Maxamuud Qureysh iyo xubno kala oo ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Pakistan.

Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Guud ee Ciiddanka Pakistan, Jeneral Javed Bajwa ayaa horey u joogay Sacuudiga, isagoo maalintii Arbacada Kulan la yeeshay dhigiisa Sacuudiga, Jeneral Fayiadh Bin Hamad Al-Rowaily.

Wafdiga Pakistan waxay Madaxda Sacuudiga kala hadli doonaan Xiriirka labada dal, Iskaashiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Maalgashiga, Tamarta, Fursadaha Shaqo ee Xoogsatada Pakistan iyo Danaha Qurbo-joogta Pakistan ee ku nool Sacuudiga.

Waxaa la filayaa in RW Pakistan uu Madaxda Sacuudiga la saxiixan doono tiro Heshiisyo iyo Is-faham ee labada dhinac, wuxuuna sidoo kalen la kulmi doona Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Al-Cuthmaani  iyo Imaamyada Labada Masjid ee Barakaysan ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul-Munawara.