Xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyadii ku dagaalamay Beledweyn

3

Maamulka Hirshabeelle ayaa ciidamo kala dhexdhigay malleeshiyaad ka soo kala jeedo beelo oo wada deggan galbeedka magaalada Beledwayne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa ku baxay deeganaada Dabeyl iyo Baladul-amiin, isagoo xabad joojin kala dhexdhigay labadii beel ee dagaalamay.

Labadii beelood ee labadii maalmood ugu dambeeysay ku dagaalmayay duleedka galbeed Baladweyne ayaa aqbalay baaqa xabad joojinta.

Madaxweyne ku-xigeen Dabageed ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya odoyaasha iyo waxgaradka labada beel, si loo dhammeeyo khilaafka soo kala dhexgalay.