Ciidamadii Kasoo Horjeeday Muddo Kororsiga Oo Ka Baxay Muqdisho

20

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho isaga baxay Ciidamadii Milateriga dowladda Federaalka ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, kuwaasi oo horey u soo galay Magaalada.

Ciidamada oo wata oo gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ayaa la isugu geeyay waqooyiga Muqdisho, iyagoona dib ugu laabanaya furimaha dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas oo ka yimideen.

Ciidamadaan ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa dhufeyso ka sameeystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicaiis, Yaaqshiid iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in Ciidankaas ay dagaal la galeen Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Gorgor.

Ra’iiul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kormeeray howsha lagu furayay, islamarkaana ciidammada looga qaadayay waddooyinkii ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda iyo Mucaaradka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray qalalaasihii ka dhacay Caasimadda ee ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Ciidamada loo balan qaaday in xuquuqdooda la siinayo.