Madaxweynaha Puntland Oo Socdaal Gaar Ah Ku Tagay Magaalada Addis Ababa

14

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Garoowe ayaa fiidnimadii xalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Deni ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Ababa uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya, waxaana intaas kadib la dejiyay halka loo qorsheeyay inay degaan isaga iyo wafdigiisa.

Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Safarka Saciid Deni ayaa sheegtay in Mdaxweynaha uu safar gaar ah ku aaday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, in kastoo faah faahin ka bixin.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madax ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo kala hadli doono Arrimo kala duwan.

Puntland ayaa xiriir toos ah waxaa ay la leedahay Dowladda Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga, Ganacsiga, iyada oo sidoo kale diyaarada Shirkadda Ethiopian Airlines ay duulimaadyo toos ah ku timaado degaannada Puntland