Murashax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed oo soo dhaweeyey heshiiskii caawa

2

Murashax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyey heshiiskii caawa laga gaaray arrimaha amniga Caasimadda, gaar ahaan xalinta rabshadihii ka dhacay Muqdisho.

Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana heshiiska caawa laga gaaray Arimaha Amniga Caasimadda iyo xal ka gaarista Ciidamadda. Waxaana rajeynayaa in qodobada heshiiskaas ay fulaan.

Maanta waxaa hortaala mudane Rooble fursad qaali ah oo uu dalka uga taabo galin karo doorasho hufan oo la iskula qanacsan yahay.

Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka soo shaqeysay heshiiskaas oo ay u horeeyaan xubnihii Guddiga, Midowga Murashaxiinta, Madaxda dowlad gobaleedyada Galmudug,  Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rouble.