RW Rooble oo la filayo in uu booqdo goobihii ku dagaalameen ciidamada dowladda

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in goordhow uu booqdo goobihii ciidamada dowladda ay ku dagaalameen ee katirsan qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha ee goobihii ay ka dhaceen shaqaaqooyinka, ayaa daba socota heshiis ay gaareen Xukumadda iyo xubnaha mucaaradka, kaasi oo dhigayay in ciidamada diidan muddo kordhinta ay ka baxaan magaalada.

25-kii bishii April ayay ahayd markii qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ay ku dagaalameen ciidamo kawada tirsan dowladda oo qaarkood ay waqtigaasi ka gadoodeen muddo kordhin ay sameeyeen xubnaha Golaha Shacabka, taasi oo ugu danbeyn laga laabtay.