Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh oo Muqdisho ku geeriyooday

8

Allaha unaxariistee waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ahaa xubnaha ugu da’da weyn Golaha Shacabka, sida ay noo xaqiijiyeen ehelkiisa.

Marxuumka ayaa soo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, xukumaddii Cali Maxamed Geedi iyo Safiirka Soomaaliya ee Ruushka.

Marxuumka ayaa geeridiisa waxaa ka tacsiyeey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyagoo dhammaantood Allaah uga baryay in uu ka waraabiyi Naxariistii janno.