Wafdi ka socda Qatar oo maanta kulamo ka bilaabay Muqdisho

16

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka Mutlaq Majed Al-Qahtani.

Waxayna kulankoodii ugu horeeyay xarunta madaxtooyada kula leeyihiin madaxweynaha dawladda federaalka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

Caawa ayaa waxa la filayaa inay wafdigu la kulmaan hogaamiyayaasha mucaaradka.

Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ayaa soo maray Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale shalay xafiiskiisa ku qaabiley weftigan.