Musharaxiinta mucaaradka oo R/wasaare Rooble ugu baaqay inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka.

6

Midowga murashaxiinta ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hormuud u noqdo arimaha doorashada.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in wixii hadda ka dambeeya arimaha doorashada iyo amniga dalka lagula xisaabtami doono ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay jeediyay khudbad kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wareejiyay arrimaha doorashada iyo amnigeeda ,wuxuuna ku sheegay hadal jeedintiisa oo koobneed in xukuumadiisu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula imaan doonto qorshooyin la xiriira doorashada iyo amnigeeda. Wuxuu sheegay in ay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah

“Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhowaynayaa in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka. Golohu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna Goluhu hoosta ka xarriiqayaa in wixii ka danbeeya 1/5/2021 mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga dalka lagula xisaabtamayo Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa”