DFS oo ciidamo dheeraad ah ka soo dejisay Muqdisho

5

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta mar kale garoonka Aadan Cadde ka soo dejisay ciidamo ka tirsan Booliiska sida gaarka u taba baran ee Haramcad, kuwaasi oo ay dayaaradi ka soo qaaday magaalada Beledwayne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa tiradooda ka badantahay 100 askari, iyadoo hore Beledwayne loo geeyay markii ay socdeen bannaanbaxyada looga soo horjeeday madaxweynaha Hirshabeelle.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo kale oo ka tirsan Haramcad ay ka soo dageen garoonka Aadan Cadde, iyagoo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad-gobolleedka Galmudug.

Dhinaca kale, ciidamadii diidanaa muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda ayaa xalay isku fidiyay  xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid. Xaafadahaasi ayaa waxaa kamid ah Fagax.

Tillaabooyinkan ayaa ku soo aadaya xili ay degtay xiisaddii maalmahan ka taagneyd magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Askarta ka soo horjeeda muddo kordhinta.