Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Waajid oo la dhaariyey

14

Munaasabadda lagu dhaarinayay Xildhibaannada Golaha deegaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Maxamed Abuukar Cabdi, Wasiirka Amniga Mudane Isxaag Cali Subug, Wasiirka Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Xuseen, Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Waajid Sheekh Xasan Dhicisow iyo Xildhibaannada dhawaan la doortay,

Xubnaha Golaha deegaanka ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 21, waxaana qoondada Dumarka ka soo galay 7- Xubnood,

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo maalmihii la soo dhoofay ay ka socdeen shirar lagu soo xulayay Xildhibaannada Golaha deegaanka ayaa ugu dambeyn lagu guuleytay dhismaha golle loo dhanyahay.