Puntland oo sharuud ku xirtay ka qeyb-galka shirka uu Cillaamiyay MW Farmaajo

2

Dowlad gobolleedka Puntland ayaa sharuud ku xiray ka qeyb galka shirka uu xalay ku dhowaaqay madaxweyne Farmaajo, kaasi oo looga hadli doono xallinta khilaafka doorashada.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

“ Waxaan soo jeedinaynaa in beesha caalamka ay isugu yeerto madaxda dowlad-gobolleedyada, waa in ay goobjoog ahaataa jirto, sababaha u badan ee ay shirarkii hore u burburee ayaa aheyd ma jirin, cid dhexdhexaad oo u garnaqda dhinacyada” ayuu yiri wasiir Timada-cadde.

Sidoo kale wasiir Tima-cadde ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu markasta fashilanayay wada-hadalada doorashada, isagoo u soo jeediyay in uu ‘iscasilo’.

Hadalka Puntland ayaa ku aadaya xilli khudbad uu jeediyay madaxweyne Farmaajo uu kaga laabtay muddo kordhintii loo sameeyay, isagoo maalinta sabtida hortegaya xildhibaanada Golaha Shacabka.