Qorshe Xilka Looga Qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Socda Muqdisho

6

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Deg-dega ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday ugu yeeray xildhibaannada maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guuxa arrintan ku saabsan ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, kaddib markii xog laga helay Xildhibaanada qaar ay isla wadaageen in maalinta Sabtida la qorsheeynayo in xilka qaadis lagu sameeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Rooble ku eedeyn doonaan in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay taageeray Go’aankii ay Galmudug iyo Hirshabeelle uga soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo hay’addaha dowladda.

Rooble ayaa si Cad u sheegay in dalka uu aadayo doorasho heshiis lagu wada yahay, isla markaana la fulin doono heshiiskii 17-kii September, isagoona tilmaamay in Madaxda dowlad Goboleedyada looga baahan yahay fulinta heshiiskaas.