Dowladda Mareykanka Oo Dalab Cusub Hordhigtay Farmaajo Iyo Rooble

15

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dagaaladii u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay Magaaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in isku dhaca siyaasadeed ee dhinacyada uu burburinayo rajada ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan nabada iyo xasilloonida dalka.

Mareykanka ayaa dowladda Federaalka iyo Mucaaradka kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo ku boorisay inay ka fogaadan wax kasta oo dib u dhac u keeni kara dalka iyo shacabka.

“Isku dhac Siyaasadeed waxa uu burburinayaa rajada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana dhinacyada is haaya ugu baaqeynaa inay ka dheeraadaan wax xasarad abuuray” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inay wada-hadal la furaan Madaxda dowlad Goboleedyada, si xal buuxa looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Qoraalka Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa uu daba socdaan War-saxaafadeedkii Beesha Caalamka ku cambaareysay rabshadihii ka dhacay Muqdisho, iyagoona ka digay in dhinacyada ay qaadaan tallaabooyin dib u dhacu keeni kara dalka.