Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

20

War-Saxaafadeed ka soo baxay wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya si adag loogu cambaareeyey rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna mar kale ku celinayeen in heshiiskii 17-kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee xal looga gaari karo khilaafka doorashooyinka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran

Muqdisho, 27 Abriil 2021 – Saaxiibada caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil.

Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda.

Waxaan si gaar ah uga welwelnay kala qeybsanaanta soo bexeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin.

Waxaan mar kale ku celinaynaa in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas.

Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah waxaana ku boorineynaa in wakiilkan heerka sare ah uu yimaado magaalada Muqdisho isla markaana uu guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan diyaar u nahay, haddii aynu nahay saaxiibada, in aan taageero u fidino Ergeygan, isla markaana aan sii wadno dadaallada aan isugu keeneyno dhinacyada.

Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.