Inta badan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo laga barakacay

32

Dadkii ku noolaa inta badan xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa ka barakacay xaafadahoodii, waxayna u hayaameen deegaanada koofureed ee magaalada.

Waxaa sii xoogeysatay cabsida laga qabo in mar kale isku dhacyo ay ka dillaacaan magaalada Muqdisho, maadaama ciidamada labada dhinac ee mucaaradka iyo dowladda federaalka ay dhaq-dhaqaaqyo xoog leh ka wadaan degmooyinka koonfur iyo waqooyi ee magaalada.

Muuqallo iyo sawirro laga soo qaaday jidadka magaalada Muqdisho ayaa muujinaya boqolaal dad ah oo u qaxaya bannaanka koonfuteed ee magaalada, waxayna dadka qaar oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay aad uga xunyihiin inay ka barakacaan guryahooda, sidoo kalena aysan garaneyn meel ay aadaan, balse ay nafta la cararayaan.