Wasiir Xundubey “Muqdisho waxaa ku soo kordhay dad dhaqan mooyaameed leh”

42

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada kusoo korortay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in wax laga xumaado tahay in shacabka magaaladan dhibaato loo horseedo.

“Waxaa xalay iyo maanta magaalada ku soo kordhay dad dhaqan mooryaaneed leh oo guryaha jabsanaya, dadka dilaya oo aad u malaysid inay ku soo gabadeen waxyaabihii maal mahaan jiray” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan meel walbo oo uu ka socdo abaabul aan sharci aheyn inay kusoo dhuuntaan kooxaha nabadiidka ah, kuwaas oo uu sheegay inay macquul tahay in ay ka faa’ideystaan qalqalka amni ee laga abuurayo caasimadda.

“Ragga madaxda ah ee wax abaabulaya waxaan rabnaa inay ogaadan inay gabaad u noqon karaan dad aysan ayaga maamulin oo magac mooryaanimo ku socda,” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay awood buuxda u leedahay sugidda ammaanka caasimadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda ciidanka ay hayso masuuliyaddeeda wey ku filan tahay inay magaalada gacanta ku qabato balse waxaa la diidayay in bulshada dhexdeeda lagu dagaalamo oo xilligan Ramadaanka ah aanan la qaxinin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka amniga Xasan Xundubey.

Wasiirka ayaa shacabka reer Muqdisho ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga, isla markaana aysan ka baxakicin guryahooda.