Madaxweynaha Koofur Galbeed oo guddoomiyay shir looga hadlay amniga

4

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka amisom sarakiil ka socday dowlada ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah weerarada qaraxyada ee ay deegaanada maamulkaasi ka geystaan ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koofur Galbeed ayaa saraakiisha laamaha amniga ee maamulka kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab.