Khasaare ka dhashay Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan Muqdisho

2

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa goor dhaweyd lagu garaacay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in Hoobiyeyaasha mid ka mid ah uu ku dhacay xero ay deganaayeen dad barakacayaal oo ku dhawaw Godka Jilicow.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku dhimatay hoobiyeyaasha, iyadoo uu intaasi ka badan yahay khasaaraha dhaawaca.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah-faahin ah ka bixin hoobiyeyaashaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.