DFS oo kala dirtay guddigii lagu muransanaa ee Doorashooyinka

3

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la kala diray guddigii lagu muran sanaa ee doorashooyinka, ka dib markii xildhibaanada Golaha Shacabka muddo kordhin u sameeyeen hay’addaha dowladda.

Golaha Shacabka ayaa horraantii bishaan meelmariyay xeerka jiheynta doorashada, kaasi oo dhigaya in muddo laba sanno ah, dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa xalay macsalaameeyay oo la kumay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka balse ay ka horyimadeen mucaradka, ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay la kala diray.

Xubnaha Guddigaan ku jira ayaa waxaa ay ka kala socdeen maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, iyo Gobolka Banaadir. Waxaa guddigaan ka maqnaa xubnaha maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Guddigaan ayaa waxaa si wayn u diidanaa xubnaha mucaaradka, iyagoona sheegay in ay kamid yihiin Saraakiil ka tirsan NISA iyo Shaqaale dowladeed, isla markaana aysan qaban karin doorasho loona baahan yahay in la kala diro ‘Maadaama aysan dhexdhexaad aheyn’.